Xisbiga WADDANI waxa uu ballanqaadayaa "Somaliland oo shacabkeedu mideysanyahay, Horumarin Dhaqaale, Cadaalad-bulsheed iyo Ictiraaf-Caalami ah, Inshallaah."

By Dr Cabdiraxmaan Cirro
Waddani-Somaliland

Booqo Bogga Barnaaij-Siyaasadeedka WADDANI

Ballanqaadyo

  • Cabdiraxmaan Cirro
    Xisbiga WADDANI waxa uu ballanqaadayaa in Dawladnimo mideysa Shacabka Somaliland iyo Cadaalad-bulsheed. InshaAllaah.
    Cabdiraxmaan Cirro
    Xisbiga WADDANI
  • Cabdiraxmaan Cirro
    Xisbiga WADDANI waxa uu ballanqaadayaa in Shaqaalaha Dawladda ee gaadhay Da’dii Hawlgabka in la nasiyo oo la siiyo Xaqoodii iyo Lacag ay ku noolaadaan si iyaguna u nastaan, dhalinyaro cusubina u helaan shaqo. InshaAllaah.
    Cabdiraxmaan Cirro
    Xisbiga WADDANI
  • Xisbiga WADDANI waxa uu ballanqaadayaa in uu u kordhiyo Mushaharka Dhamaan Xubnaha Ciidamada Somaliland (Dhamaan qaybaha Ciidamada Dalka)  250% (Boqolkiiba Laba Boqol iyo Konton). Waxa aanu u dhisaynayaa Askari kasta Guri. Waxaanu kaloo Dhisaynaa Cisbitaaladii Ciidamada si kor loogu qaado Caafimaadka Ciidamada Somaliland. InshaAllaah
    Cabdiraxmaan Cirro
    Xisbiga WADDANI