ARRIMAHA BULSHADA: Daryeelak Dadka

CAAFIMAADKA:

Horumarinta, Tayaynta iyo Fidinta Adeegga Caafimaad

Waxay dadka Somaliland maanta ku nool yihiin xaalad adag oo caafimaad oo ay cabbaan biyo aan nadiif ahayn, fayo-dhawr aad u hooseeya, nafaqo-darro, saboolnimo baahsan, heerka dhimashada carruurta iyo hooyada oo aad u sarreysa iyo adeegga Caafimaadka oo guud ahaan miyi iyo magaaloba liita, tayada dawada oo aan suganyn, iyo danyarta iyo inta bulshada jilicsan oo aan daryeel dawladeed helin.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Ballaadhinta Adeegga Caafimaad ee Degaanka
  • Waxay dhisi doontaa 90 Xarumo Caafimaad oo dalka oo dhan ku fidsan, kuwaas oo laga hirgelinayo meelahan:
  • Awdal (Lughaya, Cabdiqaadir, Lowyacaddo, Toqoshi, Gerisa, Boon, Qolujeed, Jidhi, Borama);
  • Gebiley(faraweyne, Gebiley, Ceelberdaale, Kalabaydh, Allaybaday);
  • Maroodijeex(Dacarbudhuq, Bandarwanaag, Aw Barkhadle, Sabawanaag (Woqooyi iyo Koonfur), Ina Guuxaa, Gumburaha, Balli-gubadle, Cadaadley, Harashiikh, Hargeysa);
  • Saaxil (Abdaal, Huddise, Suuqsade, Bullaxaar, Xagal, Karin);
  • Togdheer(Xaaxi, Gatiitalay, Khatumo, Go’daweyn, Xaji-Saalax, Waraabeeye, Dhoqoshay, Coodanle, Qoryaale, Beer, Qoyta, Yucub-yabooh, Riyo-xidho, Dheryaley, Bilcille, War-cimraan, Gidhays, Kalbarre, Harada Gubataxil, Burco);
  • Sool: (Laascaanood, Adhi-cadeeye, Yagoori, Boocame, Xalin, Karin-Dabaylweyn, Oog, Wadaamagoo, Caynaba, War-idaad, Kala-baydh, Widh-widh, Tukaraq, Gawsaweyne, Bixin, Bohol);
  • Sanaag: (Xiis, Shalcow, Godmobiycas, Huluul, Raarida-buul, Dararweyne, Awrbogays, Carmale, hadaaftimo, Jiidali, Fiqi-Fuliye, Yubbe, Buraan, Ceelbuh, Midhisho, Durdur, Ceelaayo, Rugay, Ceel Afweyn, Garadag, Badhan, Xiingalool, Dhahar, Laasqoray.)

 

 

 

Xukuumadda WADDANI waxay ku Tallaabsan doontaa

  • Xoojinta siyaasadda iyo hawlgalka ka hortagga cudurrada
  • Cafimaadka assasiag ah: Fidinta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah si loo gaadhsiiyo dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Tayaynta cisbitaallada dalka ee hadda jira iyo xoojinta habka caafimaadka degmooyinka dalka oo dhan.
  • Aasaasidda cisbitaal qaranoo tayo caalami ah leh oo ay u dhan yihiin takhasusyada iyo qalabka caafimaad ee casriga ah ee muhiimka ah, cisbataalkaas oo lagaga maarmi doono cisbataallo debedda loo tago.
  • Daryeelka Shaqaalaha: Kor-u-qaadista niyadeed, maaliyadeed iyo xirfadeed ee hawl-wadeennada caafimaadka.
  • Daryeelka Hooyada iyo Carruurta: Iyada oo laga duulayo in Jamhuuriyadda Somaliland tahay waddammada dunida ugu sarreeya dhimashada hooyada iyo dhallaanka shanta sano ka yar, waxaanu xil gaar ah iska saari doonnaa caafimaadka hooyada oo isla markaana sal u ah caafimaadka ilmaha uurka ku jira iyo kuwa shanta sano ka yarba. Sidaas oo kale iyada oo taa laga duulayo waxa la diyaarin doonaa qorshe ay hooyo kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland ihi ku heli karto adeeg caafimaad oo dhammays-tiran wakhtiga uurka, dhalmada iyo dhalmada ka-dib. Waxa la diyaarin doonaa shaqaale xirfad leh oo siin kara hooyada gargaarka ay u baahan tahay, gaar ahaan wakhtiga dhalmada. Haweenka uurka leh oo la siiyo folic acid’.
  • Gurmadka Hooyada Foosha ah: Inta la suurto gelinayo qorshaha ku xusan qodobka sare, waxa la samayn doonaa qorshe dhammaystiran oo loogu gurmanayo hooyo kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland ah oo uur leh oo gurmad u baahan meel kasta oo ay joogto.
  • Samaynata Shaybaadh casri ah: Si looga hor-tago khataraha caafimaad ee dabiiciga ah iyo kuwa dad-samee-ga ahba waxa la dhaqan-gelinayaa shay-baadh casri ah oo guud oo lagu baadho dhammaan cudurrada (Public Health Laboratory).
  • Ilaalinta tayada cuntada iyo dawada: Dhismaha Hay’ad qalab casri ah iyo khubaro aqoon leh adeegsanaysa oo hubisa tayada cuntada iyo dawada, iyada oo laga fogaanayo khatarta caafimaad ee ka dhalan karta cunto iyo dawooyin aan tayadooda la hubin.
  • Soo dejinta Dawada: Nidaaminta sharci ee soo-dejinta dawada iyo kor-u-qaadidda tayada adeegyada iyo hay’adaha sharciyeysan ee ka shaqeeya.
  • Jaamacadaha iyo Mac-hadyada: Taageeridda iyo Maal-gelinta Jaamacadaha iyo Mac-hadyada soo saara dhakhaatiirta iyo shaqaalaha daawenyta ee kala duwan, si tirada iyo tayadaba loo kordhiyo.
  • Cudurrada Maskaxda: Horumarinta qaybta cudurrada maskaxda iyada oo xeer loo samaynayo, shaqaalaha loo tababarayo, dhismayaasha la casriyeynayo, goobaha daaweynta la nidaaminayo oo taageero farsamo iyo mid aqooneedba la siinayo.
  • Cudurrada faafa: Xoojinta u-diyaar-garawga cudurrada dilaaga ah ee degdegga u faafa sida Ebola.
  • Wacyigelinta caafimaadka: Xoojinta wacyi-gelinta, ka-hortagga iyo daaweynta HIV/AIDS, Qaaxada, kuwa neefsiga, kaneecada, dhiig-karka, macaanka iyo kuwa kale ee ku badan dalkeenna.
  • Caafimaadka Degdegga:In laga tababaro deegaan kasta dad caafimaadka degdegga ah ka hawl-gala.
  • Tallaalka: Gaadhsiinta tallaalka aasaasiga ah guud ahaan deegaannada dalka oo dhan. Bixinta tallaalka Hepatitis B’ oo carruurta 16-jirka ka hooseeya la wada gaadhsiiyo iyo qoysaska  HBV’ caabuqa leh, adeegayaasha caafimaadka oo dhan, iyo dumarka uurka leh marka uu ku habboon yahay.
  • Caafimaadka Miyiga: Shaqaaleynta dhakhtarro ka hawl-gala goobaha miyiga iyada oo la adeegsanayo dhakhtarrada cusub ee Jaamacadaha ka soo baxa si loo gaadhsiiyo adeegga caafimaad ee reer miyigu ay u baahan yihiin.
  • Daawooyinka Dhaqanka: Habaynta iyo diyaarinta sharciga iyo nidaamka ay ku wada-shaqeyn karaan dawooyinka dhaqanka iyo kuwa casriga ahi.
  • Cudurradahab-nololeedka: Korinta aqoonta cudurrada soo kordhaya ee hab-nololeedka ka yimaadda sida macaanka, dhiig-karka iyo subagga iyada oo isla markaana la dhiirri-gelinayo in ay samaysmaan ururro bulsho oo dadka wacyi-geliya una adeegaa.
  • Ajendaha 2030-ka: Is-kaashiga hay’adaha caalamiga ah ee WHO iyo UNICEF sidii qorshe mideysan loo samayn lahaa oo lagu gaadho hiigsigaas iyo ka Ajendaha 2030-ka.
  • Kooxaha wareegga: Xoojinta hawl-galka kooxaha caafimaadka ee wareega ee miyga ka shaqeeya.
  • Daryeelka Caafimaad Naafada: Daryeelka bulshada inta awoodda dhiman, sida dadkii ku naafoobay jidh iyo maskaxba dagaalladii dib-u-xoreynta qaran ee SNM.
  • Samaynta xeerka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada.
  • Bixinta 5% kharajka dawada HIV-ga
  • Daryeelka caafimaadka Carruurta Derbi-Jiifka ah iyo inta kale ee aan cid lahayn ama ah dulmanayaasha.
  • Hirgelinta caymiska caafimaad ee shaqaalaha.

`

Nadaafadda iyo Fayadhawrka Magaalooyinka

  • Wacyi-gelinta lagaga soo hor-jeedo qashin-qubka magaalada iyo dikhowga hawada (pollution), ka hor-tagga iyada oo la Barayo dadka sida loo maareeyo qashinka, loona daryeelo deegaanka magaalooyinka, sida: dooxyada, suuqyada, dugsiyada, cusbataallada iyo meelaha lagu kulmo.
  • Taageeridda dedaalka hay’adaha aan dawliga ahayni ugu jiraan barnaamijyada lagu badinayo musqulo nadiif ah, gaar ahaan suuqyada wadhatada iyo meelaha kale ee ganacsiga bacadlaha ah.
  • Xoojinta guddiyada kormeera isla markaana kor-joogteeya nadaafadda xaafadaha iyo magaalooyinka Somaliland.
  • Samaynta qorshaha nadaafadda ee reer guuraaga iyo u-astaynta tuulooyinka saraakiil caafimaadka ka shaqeeya, gaar ahaan fayadhawrka goobaha biyaha laga cabbo.
  • Ilaalinta nadaafadda iyo fayadhowrka meelaha cuntada lagu iibiyo
  • Wacyi-gelinta sidii loo dhireyn lahaa magaalooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa degaanka dabiiciga ah ee miyiga iyo magaaladaba.

WAXBARASHADA:

Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland waxa hor yaal caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin: Is-qorista dugsiyada oo aad u hoosaysa oo ay isku-celcelinteedu noqonayso 44% (48% wiilalka ah iyo 39% hablaha ah); faraq ballaadhan oo u dhexeeya gobollada dalka iyo miyga iyo magaalada, goldaloolo dhinaca manhajka ah, la’aanta hiigsi horumarineed oo sugan, tababarka macallimiinta oo tayo iyo aragtiba ka liita, la’aanta qalabka waxbarashada; maamulka dugsiyada oo liita, ka-qayb-galka waalidka iyo bulshada oo maqan, maal-gelin la’aan iyo dhaqaale yaraan.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay xaqiijin doontaa:

  • In ilma walba helo waxabarasho, manhajku noqdo mid ku habboon horumarka aynu doonayno iyo in kor loo qaado tayada waxbarasho ee heer walba.
  • Hirgelinta wabarasho soo saarta jiilal Waddaniyad leh kuna abtirsada sooyaalka iyo hiddaha ay ka soo jeedaan ee ay ka-midka yihiin, xadaaraddii Awdal, halgankii Daraawiishta, Boqortooyada soo jireenka ah ee bariga Sanaag, halgankii gobannimo doonka iyo kii dib-u-xoreynta qaran ee SNM.
  • Hanashada hiigsi ina gaadhsiiya korriin dhaqaale iyo soo saarista dhallinyaro muwaaddinnimo, xil-qaad iyo akhlaaq suubban leh.
  • Is-Beddelka Waxbarashada oo Mug iyo Sal Ballaadhan Leh
  • Dib-u-eegis tifa-tiran ee siyaasadda waxbarashada ee ay ka mid yihiin qaybahan: xeerka wabarashada Jamhuuriyadda Somaliland (2007), qorshaha qaran ee waxabarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo siyaasadda tababarka macallimiinta.
  • Hirgelinta hab-maamul waxbarasho oo heer wal oo dawladeedba mas’uuliyaddiisa gudanayo, mid dhexe iyo mid hooseba.
  • Dejinta siyaasadda iyo qorshaha guud ee waxbarasho, dhigidda hal-beeg iyo hab-dhaqan, kormeer iyo qiimayn, is-beddel manhaj iyo soo-saaristiisaba, oggolaanshaha iyo keenista qalabka waxabarasho.
  • Xil-qaadka Dawladda Hoose ee hirgelinta siyaasadda, qorshaynta iyo kormeerka hawl-galka waxbarasho ee degmada, gobolka iyo guud ahaanba maamulka dugsiyada waxbarasho.

Kor-u-qaadidda Tayada Waxbarashada:

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Manhajka:Dib-u-habaynta manhajka waxbarashada si ay u tayeyso ugana dhigto mid waafaqsan baahideenna horumarineed.
  • Maamulka:Kor-u-qaadista awoodda hay’adaha waxbarasho iyo maamul-wanaaggooda.
  • Maal-gelinta: Kor-u-qaadista maal-gelinta waxbarashada
  • Maaddooyinka: Xoojinta maaddooyinka sayniska, xisaabta iyo Is-gaadhsiinta (ICT).
  • Farsamo: Ku baahinta dalka oo dhan dugsiyada farsamo iyo xirfadeed.
  • Faraqa Jinsiga: Yaraynta faraqa u dhexeeya hablaha iyo innammada. gobollada dalka, miyiga iyo magaalada iyo qaybaha kale ee bulshadaba.
  • Baahiyaha gaarka: Dhiirri-gelinta waxbarashada dadka baahiyaha gaarka leh, sida waxabarashada dhagoolaha iyo indhoolaha.
  • Cilmi-baadhista: Xoojinta guud ahaan cilmi-baadhista gaar ahaanna sayniska iyada oo maal-gelinteedana kor loo qaadaya.
  • Caafimaadka: Xoojinta waxbarashada caafimaadka dadka, xoolaha iyo degaanka.
  • Waddaninimada:Xoojinta dareenka waddaninimada, taariikhda iyo sooyaalka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Reer Guuraaga:Adeegsiga qaabab ku habboon waxbarashada reer guuraaga.
  • Tababarka Macallinka: Tayaynta heerarka kala duwan ee tababarka macallimiinta.
  • SaacadahaWaxabarasho: Dib-u-habaynta iyo hubinta jadwalka saacadaha waxbarasho ee dugsiyada, maadaama saacadaha ay ardeydu fasalka fadhidaa aad u kooban yihiin waalidiintuna ka cawdaan.

Tayaynta Dhismayaasha Dugsiyada:

  • U-samaynta dugsi walba laydh, biyo saafi ah, xamaammo nadiif ah, goobo ciyaareed, marawaxado (kuwa xeebaha) iyo deegaan fayow.
  • Wada-guulka adeegyada biyaha iyo laydhka dhulka miyiga ee xarumaha dawladda sida: dugsiyada, MCHka iyo goobaha caafimaad, xannaanada xoolaha, drayeelka degaanka iwm.
  • Adeegsiga qalabka ku-shaqeeya tamarta qorraxda iyo dabaysha.

Dugsiyada Hoose:

  • Labada caqabadood ee ugu adag ee hor-taagan korriinka iyo tayada Dusgsiyada Hoose ee dalku waa iyada oo:
  • Is-diiwaaan-gelinta ardeydu ay u aad u hooseyso laguna qiyaasi karo in ku- dhowaad 70% carruurteenu aanay helin waxbarasho dugsi hoose.
  • Ay yar yihiin ama la’yihiin adeeg laydh, biyo iyo xamaam. Sida qiyaas la sameeyay lagu helay 90% dugsiyadu ma laha laydh shaqeeya; 63% aany lahayn musqul nadiif ah; 53% aanay lahayn biyo.

Waxbarshada Dugsiyada Hoose/Dhexe:

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Dhisidda 1000 fasal oo cusub oo dugsiyada hoose/dhexe ah
  • Ka dhisidda gobol walba 30 aqal oo macallimiintu degaan.
  • Dayactirka aqalladii hore sida: kuwa Dugsiga Dayaxa, arday iyo macallimiinba ah.
  • Joogtaynta waxbarasho lacag-la’aan ah oo dugsiyada hoose/dhexe ah.
  • Kor-u-qaadidda miissaaniyadda lagu horumarinayo dugsiyada hoose si xukun-daaddejinta dugsiyadu u hirgasho oo dawladaha hoose u hanan karaan.
  • Taageerada dugsiyada dadka ee baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan hablaha.
  • Kor-u-qaadidda dugsi-qorista carruurta miyiga iyada oo la dejinayo jadwal wakhtigooda ku habboon oo guur-guuri kara iyo barnaamijyo loo adeegsanayo teknoolajiyada casriga sida: telefoonka, TV-ga iyo internetkaba.
  • Kor-u-qaadidda aqoonta iyo xirfadda wax-baridda ee macallimiinta dugsiyada hoose.
  • Hagaajinta maamulka iyo daah-furnaanta hannaanka quudinta dugsiyada iyada oo la ballaadhinayo laguna baahinayo dugsiyada hoose ee miyiga.
  • Gaadhsiinta dugsiyada hoose aqoonta asaasiga ah ee kombiyuutarka.
  • Barista iyo ku-korinta qiyamka diinta islaamka.

Waxbarashad Dugsiyada Sare

Xukuumadda Xisbiga WADDANI, waxa ka go’an in waxabarasho Dugsiga Sare oo tayo leh ay ardeyda oo dhammi hesho iyo Dugsiyo Sare oo ay degaan ahaan u gaadhi karaan. Waxa kale oo la soo yarayn doonaa faraqa u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha korna loo qaadi doonaa ka-qayb-galka bulshooyinka dulman.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Dhisaysaa 20 dugsi sare oo u kala qaybsan degmooyinka 6-da gobol ee waaweyn ee aan weli lahayn dugsiyo
  • Dhisi doontaa 40 Kombuyuutar laab, 40 saynis laab iyo 40 maktabadood, oo lagu tayeynayo waxbarashada Dugsiyada Sare, loona qayabinayo gobollada dalka oo dhan.
  • Fududaynta kharashka ku baxa ardayda sannadka u dambeeya ee dugsigyada sare ee dawladda, sida buugaagta, koobiga iwm.
  • Badinta daabacaadda buugaagta gaar ahaan kuwa maaddooyinka la dhigto (Textbooks) ee sayniska, xisaabta, ICT-ga iwm.
  • Ku-baahinta Dugsiyada Sare bulshooyinka aan weli si fudud u gaadhi karayn dugsi sare.
  • Dib-u-soo-noolaynta dugsiyadii hoyga lahaa (boarding) oo loogu adeegayo carruurta xoolo- dhaqatada iyo kuwa danyarta ah.
  • Tayeynta iyo dib-u-habaynta habkooda waxbarasho, manhajka iyo maamulkoodaba.
  • Ku-baahinta barashada iyo isticmaalka qalabka kombiyuutarka iyo in loo sameeyo dugsi walba shay-baadh, maktabad iyo internet. Waxa lala kaashanayaa oo lagu xidhayaa dugsiyadaas ganacsatada degaanka si ay u taageeraan una kormeeraan tayadooda waxbarasho.
  • Xoojinta maaddooyinka sayniska, xisaabta iyo ICT.
  • Dhiirri-gelinta hablaha iyo daraasadaynta sababaha ay u dhammaysan waayaan waxbarashadooda.
  • Ku-xoojinta manhajka barashada waddannimada, dhibaatada mukhadaraaka, ka- hor-tagga dhaqammada aan diinteenna wafaqsanayn iyo qiyamka shaqada xalaasha ah.
  • Dhiirri-gelinta tartanka xalaasha ah ee waxbarashada, ciyaaraha, ka-qayb-galka arrimaha bulshada, akhlaaqda suubban, barashada dhulkeenna iyada oo safarro ay gobolladu isugu tagaan loo qabanqaabiyo.
  • Barista iyo ku-korinta qiyamka diinta Islaamka iyo baridda hiddahooda soo-jireenka ah.

Waxbarashada Farsamada Iyo Xirfadaha:

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay hirgelin doontaa is-beddel xagga siyaasadda waxbarashada ah oo ay mudnaan siinayso farsamada iyo xirfadaha, korna u soo qaadayso sumcadda ay ardayda ku dhex leeyihiiin maaddooyinkaasu.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

Dugsiyada Farsamada

  • Dhismaha Dugsiyo Farsamo: Waxay dhisaysaa 30 Dugsi Farsamo, oo degmooyinka loo qaybinayo: Awdal: (Zeylac, Baki, Dila), Gabiley: (Togwajaale, Alleybaday, Arabsiyo); Maroojeex: (Salaxlay, Cadaadley, Balli-gubadle, Dararweyne); Saaxil (Berbera, Sheikh); Togdheer(Oodweyne, Ballidhiig, Buuhoodle, Duruqsi); Sool (Laascaanood, Caynaba, Xudun, Taleex); Sanaag(Maydh, Godmo-biyacas, Ceerigabo-Dayaxa, Badhan, Las Qoray, Xiin-Galool, Dhahar, Ceel-afweyn, Gar-adag).
  • Macallimiinta Farsamada: Waxay si buuxda u maal-gelin-doontaa Mac-hadka Farasamada ee Burco oo laga dhigo xarunta tijaabada iyo hal-abuurka farsamada Somaliland iyo tababarka macalimiinta farasmada, iyo xirfadaha ee looga baahan yahay dugsiyada iyo xarumaha dalka laga hirgelinayo.
  • Qalabayn doontaa 40 Kombuyuutar Laab iyo 40 Saynis laab iyo 40 Maktabadood oo ku xooggan Buugaagta Farsamada oo lagu kobcinayo waxabarashada Farsamada iyo Xirfadaha dalka.
  • Hirgelin doontaa xarumo farsamo oo gaadha ilaa heer tuulo.
  • Maal-gelinta daraasad ballaadhan oo lagu daah-furayo baahida shaqaale iyo noocyadeeda, dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ee wakhtiga dhow (2020ka), wakhtiga dhexe (2030ka) iyo wakhtiga dheer (2040ka),
  • Samaynta Gole ay ku mideysan yihiin dawladda iyo maal-qabeennada gaarka ah (Public Private Partnership) kaas oo isu-dheelli-tira baahida suuqa ee shaqaalaha (farsamo iyo xirfadeed) iyo wax-soo-saarka dugsiyada farsamada iyo tayadooda, isla markaana oddorosa is-beddelka teknooljiyada iyo baahida shaqaale.
  • U-jihaynta wax-soo-saarka waxabarasha waaxaha dhaqaalaha ee mudan sida: xoolaha, beeraha, badda iyo kalluunka, dhirta iyo xabkaha, warshadaha, dhismaha, macdanta, caafimaadka, dalxiiska iyo marti-gelinta, baabuurta/makiinadaha, biyaha iyo fayo-dhawrka, daryeelka degaanka, is-gaadhsiinta-ICT, warbaahinta, luqadaha, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Tacliinta Sare oo ka tarjumaysa higsiga horumarka Somaliland

Caqabadaha: Manhajka jira xooggiisu waa culuumta bulshada (academic). Waxa jirta awood yari dhinaca guryaha, qalabka iyo tayada maktabadaha, shay-baadhada sayniska, kuwa ITga, garoommada ciyaaraha, masraxyada iyo adeegyada ijtimaaciga ah oo aan ku fillayn. Waxa aad u hooseeya awoodda iyo maal-gelinta cilmi-baadhista iyo horumarka (R&D) haddii aanay maqnaynba. Waxa aad u yar haynta dhaqaalaha loogu baahan yahay in ardayda dhammaysa Jaamacaddu ay khibrad shaqo ku qaataan (Internships) iyo sideedaba fursado dhaqaale samafal. Waxa aan weli dhismin kormeer cilmiyeysan iyo qiimayn kala saarta tayada jaamacadaha. Inta badan waxa aan wada socon manhajka ay Jaamacado badani dhigaan iyo baahida suuqa shaqada. Macallimiinta aqoonta sare lehi iyana waa yar yihiin. Waxa kale oo jirta isu-dheelli-tir-la’aan jinsiga oo habluhu aad u yar yihiin iyo bulshooyinka Beelaha dulman oo iyana u baahan dhiirri-gelin rasmi ah.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Samaynta xeerka Tacliinta sare ee Qaranka (Higher Education Act)
  • Is-waafajinta baahida suuqa shaqada iyo aqoonta Jaamacaduhu ay bixiyaan iyada oo manhajka iyo tayadaba la waafajinayo higsiga horumarka dalka.
  • Hirgelinta dugsiyo farsamo iyo xirfadeed oo la jaan-qaada korriinka dhaqaalaha dalka, dabooli karana baahida shaqaale farsamo-yaqaan ah.
  • Xoojinta kaalinta kulliyadaha cilmiga sayniska iyo farsamada sida daawada, injineeriyada, Jiyoolojiga iyo deegaanka.
  • Kor-u-qaadidda maal-gelinta xarumaha cilmi-baadhista iyada oo lala kaashanayo shirkadaha gaarka ah lana abuurayo Sanduuqa dhiirri-gelinta curinta, cilmi-baadhista yo Horumarka.
  • Isku-xidhka shirkadaha gaarka ah iyo Jaamacadaha, si waxabarshada iyo shaqo-abuurku u wada socon karaan.
  • Samaynta hal-beegyo lagula xisaabtamo hay’adaha tacliinta sare tayada waxbarashadooda sida: heerka waxbarasho ee macallimiinta, jawiga maamulka Jaamacadda ee dhallinyaradu ku soo koraysay, awooddeeda cilmi-baadhiseed iyo sida bulshada iyo degaankuba uga faa’iidaysato.
  • U-hawl-galka sidii is-kaashi waxbarasho iyo cilmi-baadhis aynu ula yeelan lahayn dalalka gobolka iyo kuwa horumarayba.
  • Kor-u-qaadista baaxadda dhiirri-gelineed ee deeqaha waxbarasho iyada oo la kaashanaysa shrkadaha gaarka ah iyo hay’adaha caalamkaba.
  • Dhiirri-gelinta cilmi-baadhista wax-soo-saarka qaybaha dhaqaalaha soo- jireenka ah sidii loo tayeyn lahaa sida: Xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, xabkaha iyo badbaadinta degaanka.

Tayaynta macallimiinta:

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Xoojinta maal-gelinta kulliyadaha waxbarashada
  • Diyaarinta manhajyo takhasus ku ah waxbarshada macallinnimada dugsiga hoose/dhexe, ka sare, ka farsamada, xirfadaha iyo kuwa dadka baahiyaha gaarka ah qababa.
  • Gaadhsiinta macallimiinta heer jaamacadeed iyo heer farsamo meel aad u sarreysa.
  • Xoojinta daryeelka macallimiinta xagga mushaharka, korriinkooda waxbarasho iyo daryeelka hawl-gabidda oo laga faa’iideysanayo khibradaha dawladaha kale.
  • Kor-u-qaadidda sumcadda iyo qadderinta xirfadda macallinnimada si dadka aqoonta, kartida iyo curinta lihi u soo galaan.
  • Beddelka habka wax-baridda iyada oo lagu tababarayo hababka casriga ah lagana guurayo habkan gaboobay ee hadda lagu dhaqmo.
  • Dhiirri-gelinta mihnadda macallinnimda si ay u yeelato nidaam horumarineed oo leh darajooyin uu qofku higsado.

Daryeelka Hiddaha iyo Barashada Diinta Islaamka:

Waxaynu dib u soo noolayn doonnaa adeegsiga hiddaheenna hal-abuur iyo masraxyadiisii si aynu dadkeenna ugu gudbinno si fudud wacyi-gelinta una korinno aqoontooda iyo horumarka bulsho, kuwaas oo waafaqsan dhaqanka suubban ee diinta Islaamka. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ilaalin doontaa oo korin doontaa dhaqanka iyo hiddaha soo-jireenka ah ee aynu ka dhaxalnay awowyaasheen iyo ayeeyooyinkeen.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Cilmi-baadhis, uruurin iyo qoraallo lagu horumarinayo fanka, farshaxanka iyo suugaanteenna Somaliyeed ee hodanka ah.
  • Barista carruuteenna hiddahooda iyada oo la adeegsanayo warbaahinta laguna gudbinayo manhajka waxabarashada.
  • Hirrgelinta awqaafta, daryeelka masaajiddada iyo dhiirri-gelinta barashada diinta islaamka.
  • Daryeelka iyo baadhista raadadka qadiimka ah ee dalkeenna iyo taariikhdiisaba.
  • Daraasadda iyo badbaadinta qaybaha dhaqankeenna, iyo hiddaheenna dabar-go’ay ama hadda ku socda. Tusaale, dhaqammada suulaya sida, soo-jireenkii miyiga ee dhaqanka iyo ka-faa’iideysiga xoolaha, dhirta, faleenka iyo baddaba.
  • Dhismaha Akaadhamiya dhaqanka, cilmiga, sayniska iyo taariikhda ummadda xoojisa.
  • Dhismaha Miyuusiyamyo kala duwan oo lagu kaydiyo dhaxalkeenna
  • Dejinta Xeerar lagu sameeyo billado iyo abaal-marinno qarameed oo lagu maamuuso muwaaddiniinta mutaysata.
  • Samaynta Guddida Culimada iyada oo la raacayo tilmaamaha Qodobka 115 ilaa Qodobka 121 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Dhiirri-gelinta barashada diinta islaamka.
  • Ka hortagga wixii fusuq, anshax-xumo iyo xag-jirnimo ah.
  • Xoojinta Hay’adda SAKADA si ay u taageerto danyarta iyo ka-samatabaxa aafooyinka ugana qayb-qaadato daryeelka masaajiddada.

GUNAANAD

Kor-u-qaadista caafimaadka, waxbarashada iyo Dhaqanka

  • Suggidda daryeel caafimaad oo dadka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhami awoodaan.
  • Ka-haqab-tirka biyo nadiifa dadka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay deggan yihiinba miyo iyo magaaloba.
  • Gaadhsiinta ubadka Waxbarasho tayo leh, taas oo udub-dhexaad u ah hiigsiga lammaan ee korriin dhaqaale iyo dhismo qarannimo.
  • Kordhinta heerka is-diiwaan-gelinta dugsiga ee innammada oo maanta ah 48% lana gaadhsiiyo 80% sannadka 2030ka, sidaasoo kalena kor looga qaado ka hablaha heerka maanta ee ah 39% lana gaadhsiiyo 80% sannadka 2030ka.
  • Dugsiyada dalka oo laga simo laydhka, biyaha, xamaamo nadiif ah iyo deegaan ku habboon Waxbarashada.
  • Sameynta manhaj ku habboon baahida horumarineed ee dalka iyo hab-waxbarasho oo la jaan-qaada is-bdeddelka tehnoolajiyada cusub iyo horumarka ICT-ga.
  • Is-beddelka habka wax-baridda maanta lagu dhaqmo loona guurayo habka casriga ah ee ardayda wax loo baro.
  • Dhismaha Golaha Cilmi-baadhista Jamhuuriyadda Somaliland si loo xoojiyo maal-gelinta, istrategiyada iyo aqoonta cilmi-baadhista iyo curinta.
  • Samaynta sanduuqa horumarinta Waxabarashada Sare ee dalka, kaas oo lagu dhiirri-gelinayo barnaamijyada Jaamacadaha hormoodka noqday ee dalka, si ay ula jaan-qaadn barnaamijka horumarineed ee muddeysan.
  • Samaynta hab lagu qiimeeyo Hay’adaha Tacliinta Sare hawl-galkooda, tayadooda iyo manhajkoodaba.
  • Ku-ababinta ubadka waddaninnimada, lana baro sooyaalka taariikheed ee dadka Jamhuuriyadda Somaliland wada leeyhiin.
  • Daryeelka hiddaha iyo barashada diinta Islaamka.

(Visited 492 times, 1 visits today)