XIDHIIDHKA CAALAMKA IYO AQOONSIGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, xaq ayay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadeen, Ictiraafkuna waa hadaf ay ku gaadhi karaan midnimo, dadaal iyo dhabar-adayg.

Somaliland waxay ka kooban tahay dhulkii, xuduudihii iyo dadkii ku noolaa maxmiyaddii Ingiriiska, ee ku suntan is-afgaradyo badan oo caalami ah, Sida:

i) Heshiiskii Anglo-French ee 1888,

ii) Is-afgaradkii Anglo-Italianka ee 1984,

iii) Heshiiskii Anglo-Ethiopianka ee 1897.

Iyada oo Somaliland muddo ka badan 80 sannadood ah maxmiyad hoos tagta Britain ayaa waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyadii xorriyad-doonka ee ka danbeeyey dagaalkii labaad ee adduunka isla markaana Somaliland ka dhigay dal xor ah 26 June, 1960. Waxa Somaliland markiiba aqoonsaday 34 dal oo ay ku jiraan 5ta dal ee leh diidmada qayaxan. Si kastaba ha ahaatee 4 maalmood kadib waxay Somaliland la midowdey maxmiyaddii talyaaniga ee Somalia iyaga oo 1dii July 1960 wada sameeyey Jamhuuriyaddii Somaliyeed.

Labaatan Sannadood oo dhibaato iyo rafaad wada yaalla ahi waxay keentay dagaal sokeeye oo soo gabo-gabeeyey isku biiriddii labada dhinac, isla markaana keenay dib-ula-soo noqoshada madax-bannaanida qaranka Somaliland. 18kii May 1991 ayay dadka reer Somaliland isugu yimaaddeen Shirweyne Burco ay u dhammaayeen beelaha wada-dega Somaliland iyaga oo ku dhawaaqay dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qarankani wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudaha heshiiskii Montevideo, laakiin waxa uu la’yahay aqoonsigii dawladuhu siin lahaayeen, sababtuna waxay la xidhiidhaa xaqiiqooyinka iyo siyaasadda Juquraafiyadeed, middaas ayaa ah caqabadaha ay Somaliland waajahayso isla markaana u baahan tahay in ay furdaamiso oo xal u hesho, iyada oo la xaajooneysa Somalia, dhiseysana danaha ay la wadaagto dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka ee ay aqoonsiga ka raadsanayso.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Dib-u-eegaysaa hawl-galkii ilaa hadda ee ictiraaf-doonka soona uruurinaysaa waaya- aragnimada aynu ilaa maanta helnay: mid taban iyo mid toganba. Waxay samaynaysaa doodo dibedda iyo gudaha dalka oo suuragelinaya ka qaybgal ballaadhan, kadibna kala shaandhaynaysaa guulaha iyo caqabadaha inala kulmay, soona saaraysaa istaraatejiyado cusub oo lagu dardar-geliyo sidii looga midho-dhalin lahaa ictiraaf- doonka Jamhuuriyadda Somaliland,
  • Dib-u-eegaysaa sida ay ahaayeen wada-hadalladii Somalia lagula gelayey Turkiga oo midho-dhal noqon waayey dib-u-dhacna ku keenay arrinta aqoonsiga. Waxay Xukuumadda Xisbiga WADDANI la imanaysaa istraatejiyo ka duwan tii dawladda Kulmiyo ee ma-dhalayska iyo ambadka noqotay, go’aan degdeg ahna ka gaadhaysaa wadahadalka.
  • Xaqiijinta in ay dalka gudihiisa ka jiraan dhammaan shuruudihii aqoonsiga loo baahnaa oo ay ugu horeeyaan ku dhaqanka sharciga, caddaalad u qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka, ku dhaqanka habka dimuqraadiga wadatashiga ee ay asaaska u yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo wakhtigooda ku dhaca, iyo sugidda nabadda gudaha iyo gobolka iyo ammaanka muwaadinka.
  • Dardar-gelinta xooggan ee xidhiidhkii iyo hawl-galkii ku beegnaa AU-da iyo dalalka xubnaha ah ee Afrika, si loola socodsiiyo horumarka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo himilada ictiraafka-doonka ee aan ka-noqoshada iyo is-beddelka lahayn. Waxay adeegsan doontaa warbaahintooda maxalliga ah, weliba iyada oo miisaanka la saarayo dalalka ay joogto jaaliyad Jamhuuriyadda Somaliland ah oo xooggani. In aynu xoojinno barnaamijyada ku baxa luqadaha Ingiriisida, Faransiiska, Carabiga, Sawaxiliga, Amxaariga, si aynu bulshada caalamka u gaadhsiino horumarkeenna iyo dadaalkeenna
  • Dib-u-abaabulaysaa saaxiibbadii iyo shakhsiyaadkii caalamka ee taageri jiray ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo soo habaynaysa istratajiyad looga fa’iidaysanayo saamayntooda.
  • Samaynaysaa wakiillo-sharafeed adduunka ku baahsan oo ah shakhsiyaad dalalkooda magac iyo saamayn ku leh innagana inooga wakiil noqda,
  • Sii adkaynsaa xidhiidhka iyo xod-xodashada dalalka aynu deriska nahay ee IGAD.
  • Sii xoojinaysaa xidhiidhka dawladaha waaweyn ee reer galbeedka sida: Maraykanka, Ingiriiska, iyo Faransiiska, una hawl-gelaysaa sidii aynu uga raarridi lahayn miisaanka iyo muhimmadda ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga jirto nabadda gobolkan iyo guud ahaan degganaanshaha dunida iyo sida iyada oo la ictiraafona kaalinteeda togani u sii xoogaysan doonto.
  • Bar-tilmaameedsanaysaa dalalka ‘Scandinavia’ iyada oo isha ku haysa sida ay dalalkaasu ugu debecsanyihiin xuquuqul-insaanka uguna dhiirran yihiin xal-u-doonka iyo dhexdhexaadinta arrimaha murugsan ee caalamka.
  • U furaysaa iliilo wada-hadal quwadaha bariga iyo dalalka kale ee soo koraya iyo meel kasta oo danta Jamhuuriyadda Somaliland inala gashoba.
  • Xoojinaysaa iskaashiga dalalka gobolka iyo caalamkaba sidii loo sugi lahaa nabadda iyo degganaanshaha gobolka iyo sidii loo xakamayn lahaa aafoonyinka cusub ee xagjir-nimada, budhcad-badeeka iyo tahriibta.
  • Xoojinta iskaashiga dalalka carabta iyo islaamka si loo kobciyo xidhiidhka dhaqaale iyo dhqan, loogana dhaadhiciyo qaddiyadda ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Dhiirri-gelinaysaa iskaashiga iyo isu-tagga dhaqaale ee dalalka gobolka Geeska Afrika iyo abuuridda xuduudo debecsan oo dadka iyo badeecadduba si hawl-yar ugu kala gudbaan.
  • Si firfircooni ah kaga hawl-galaysaa in ay soo jiidato maal-gelinta caalamka iyada oo isla-markaa isha ku haysa in aynu helno dalal iyo dadyow dano dhow iyo is-dhex-galba inaga dhexeeyaan oo qaddiyaddeennana inagala hawl-gala. Waxa taa inoo fududaynaya ka-faa’iidaysiga muhimmadda barta istraatejiga ah ee aynu naallo iyo khayraadkeenna dabiiciga ah ee weli dihin, sida: shidaalka, macdanta iyo kalluunkaba,
  • Ku-dhaqmeysaa axdiyada Qaramada Midoobey iyo qaanuunka dawliga ah, isla markaana xurmeyneysaa baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga sida dastuurkeennu qeexay.
  • Ku daadaali doontaa in ay heer goobjoognimo ka hesho ururrada caalamka ka hor intaan la ina aqoonsan.
  • Uruurinta, dhiirri-gelinta iyo baahinta qoraallada laga sameeyo ictiraafka Somaliland.

(Visited 179 times, 1 visits today)