EREYGA MURASHAXA

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Muwaaddin, Waxaa farxad weyn i-gelinaysa in aan kula wadaago barnaamijkan siyaasiga ah ee uu hoggaanka Xisbiga WADDANI ku tala-jiro in uu fuliyo, kuna hoggaamiyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxu barnamijkani xambaarsan yahay higsi ah sidii aynu innaga oo wadajirna u sugi lahayn qormada aqoonsiga aynu ku leeyahay bahweynta bulshada caalamka, calankeenuna uga babban lahaa xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa; si ay dadkeennu ugu naalloodaan nabad waarta, sidii ay u dhisan lahaayeen bulsho gaadha barwaaqo iyada oo ku dhaqmeysa habka dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan, kuna salaysan dhaqanka Diinteena Islaamka ee suuban.

Xisbiga WADDANI, wuxuu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda Somaliland. Wuxuu albaabo cusub u furayaa da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisan lahayeen dalkooda, isaga oo bulsha weynta ku hoggaaminaya hiraal iyo hiigsi midaysan Bari, Badhtamaha iyo Galbeedba.

Barnaamij-Siyaasadeedkan Xisbga WADDANI wuxuu ka dhashay wada-tashi dheer, is-qancin, doodo iyo lafo-gur taxaddar leh, waana mid ku qotoma u-gondo-degga xallinta baahiyaha dhabta ah ee dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalkaba. Hiraalka iyo hiigisga barnaamijkan waxa udub-dhexaad u ah hirgelinta caddaaaladda ay muwaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland u harraadan yihiin, taas oo lagu gaadhayo isbeddelka siyaasadeed ee qotada dheer ee uu xambaarsanyahay barnaamijku. Hogganaka Xisbiga WADDANI Wuxuu higsnayaa in qarankeennu ku dhex-yeesho bulshada caalamka karaamo iyo magac u qalma hanka ummaddiisa iyo dhaxalka ay u reebayaan jiilalkooda soo socda.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

(Visited 117 times, 1 visits today)