HORUMARINTA KAABAYAASHA DHAQAALAHAIYO BULSHADA

KA HAQAB-BEELKA BIYAHA

Inyar ayaa dadka Jamahuuriyadda Somaliland hesha biyo nadiif ah oo joogto ah. Ugu yaraan saddex-dalool laba, dadka malyuunka kor u dhaafay ee caasimadda Hargeysa ayaan helin biyo qasabadeed, kuwaas oo ama booyad ka iibsada ama ceel aan nadiif ahayn ka dhaansada ama aan meelnaba ku tiirsanayn. Dadka danyarta ah ee magaaladu jiilaalkii kama-dhacaan sida miyiga loogu oomo. Dhinaca miyiga dadka weli sidii ayey jiilaal, abaar iyo baahi biyood u haysaa.

 

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

Ka Haqab-tirka biyaha miyi iyo magaaloba.

Xukuumadda WADDANI waxay Hirgelinaysaa 5ta Sannadood qorshaha

  • Biyo-qodistamiyiga oo ah: 16 ceel-riig, 10 dhaam oo waaweyn, 30 warood/balli oo casri ah, iyo 240 ceel gaaban.
  • Biyo-gelintabuuxda ee Caasimadda Hargeysa.
  • Biyo-gelintalixda magaalo-madax ee Gobollada iyo degmooyinka.

 

 

BIYAHA MAGAALOOOYINKA

Biyaha Caasimadda Hargeysa:

Waxay hirgelin doontaa biya gelinta buuxda ee Caasimadda Hargeysa oo ay gaadhsiin doonto ugu yaraan 95% dadkeeda biyo qasabad joogta ah helaan. Waxay xoojinaysaa biyaha Geed Deeble; waxay soo gaadhsiinaysaa magaalada biyaha Xumboweyne; waxay hirgelinaysaa dhaamka Horahaadley; waxay u dhisaysaa Caasimadda kayd biyood oo laga uruuriyey biyaha roobka ee buuraleyda ka soo rogmada ama dooxa qulqula, kuwaas oo loo samaynayo dhaamam biyaha kaydka ah lagu nadiifiyo farsamada casriga ee magaalooyinka caalamka laga isticmaalo. Waxay biyo ka baadhaysaa koonfurta iyo bariga Hargeysa.

 

Casriyeyntamaamulka biyaha Caasimadda iyadoo la raacayo waaya-aragnimada caasimadaha adduunka.

Biyaha Magaalooyinka Gobolada iyo Demooyinka

 

Biyo gelin buuxda oo loo samayn doonno magaalooyinka: Boorama, Gabiley, Berbera, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo. Waxa Iyana lagal hawl-gelayaa sidii loo xoojin lahaa biyo-soo-saarka magaalooyinka kale ee iyana ku soo xiga gobol walba.

BIYAHA MIYIGA IYO GOOBAHA WAX-SOO-SAARKA

Biyo-xidheeno: 10 dhaam oo waaweyn oo lagu qabanayo dooxyada muhiimka ah, kuwaas oo ugu yaraan lixda Gobol ee waaweyn midba 1 dhaam oo mug leh loo samaynayo, inta kalena meelaha wax-soo-saarka ku habboon laga qabanayo.

Riigagga Cusub:Waxay qodi doontaa 10 riig oo cusub oo ugu yaraan Lixda Gobol midba 1 riig oo jiilaalka loogu talagalay laga qodayo. Kuwa kalena wax-soo-saarka loogu talagelayo.

Hagaajin Ceelal: Waxay dib u irmaanayn doontaa 6 ceel oo kale oo hore u jiray oo ay degaanku oggolyihiin, kuwaas oo iyana loogu talagelayo in ay kaydka jiilaalka ka mid noqdaan.

Ceelal Gaaban:Waxay qodaysaa 240 ceel oo gaagaaban oo bamb-gacameed ama matoor tamarta cadceedda ku shaqeeya la saaro oo uu gobol waliba ugu yaraan 30 ceel ka helo, inta kalena kaydka jiilaalka loogu talagalo sida loo kala daran yahay.

Waro/Balliyo:Waxay qodaysaa 30 warood oo casri ah, oo gobolkiiba ugu yaraan 4 helo, inta kalena meelaha sii daran loogu daro.

Hagaajin Waro/balliyo hore: Waxay casriyeyn doontaa ilaa 20 warahii/ balliyadii hore u qodnaa kuwaas oo lagala heshiinayo degaanka ay ku yaalliin.

QALABKA BIYAHA IYO TAMARTA:

Waxay Gobol walba u qoondayn doontaa qalabka culus oo isu dhan: qalab rig iyo mid caro-rogga ah oo goobo biyood lagu sameeyo. Waxay mudnaanta siin doontaa isticmaalka matoorrada ku shaqeeya tamarta cadceedda iyo dabaysha ama bamb-gacmeedka.

 

SIYAASADDA GUUD EE BIYAHA

  • Mudnaan-siinta daboolidda baahiyaha biyaha ee dalka ka jira, si loo gaadho aragtida fog ee xisbiga WADDANI ka leeyahay helitaanka buuxa ee biyaha loogu baahanyahay daryeelka dadka, xooloha, beeraha iyo isticmaalka warshadaynta iyo dhismaha.
  • Xoojinta Wasaaradda Biyaha iyo hay’adaha kale ee la xidhiidha; iyo keenista qalabak culus ee lagu qodo balliyada, dhaamamka iyo qabashada buuxda ee biyha roobka.
  • Samaynta khariidadda keydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo istraatejiyadii loogaga faa’iidaysan lahaa.
  • Uruurinta xogta baaxadda biyaha cirka dalkeenu helo iyo dejinta khariidadda biyo mareennada dalka daafihiisa si aynu u samayno qorshe guud oo looga faa’idaysto iyo qalabka ku habboon.
  • Hirgelinta xukun-daadejin ay magaalooyinku biyohooda ku maamushaan, iyada oo dawladda dhexena wixii farsmo iyo maal-gelin ah ka teegeerayso
  • Dhiirrigelinta hab dimuqraaddi ah oo biyaha loo maamulo, loona qaybiyo daka iyo degaannada, iskana kashadaan dawladda iyo dadku (Public-Private Partnership).
  • Mudnaan siinta meelaha dadku ku badan yahay sida caasimadda Hargeysa in ay biyo ku filan oo nadiif ah dadka siiso.
  • Qabashada biyaha togagga, iyada oo la dhisayo biyo-xidheenno dulbannaan iyo qaar daboolanba, kuwaas oo xoolaha, beeraha iyo warshadahaba looga faa’iideysanayo.
  • Dhiirrigelinta in shirkadaha guduhu sameeyaan qalabka biyaha soo saara sida riigagga, taawarrada dabaysha (Windmills), bamb-gacmeedyada (Hand-pumps) iyo qalabka lagu safeeya, si biyo nadiifa loo gaadhsiiyo miyiga.
  • Fidinta isticmaalka bambo-gacmeedyada ee ceelasha gaagaaban si loo sii fidiyo helista biyaha nadiifta ah, waxa looga faa’iidaynayaa dugsiyada miyiga iyo tuulooyinka biyuhu dhow yihiin.
  • Maal-gelinta teknoolajiyada ku shaqaysa tamarta qorraxda iyo dabaysha ee matoorrada ceelasha biyaha ka soo tuura.
  • Isku-lamaanaynta baadhista shidaalka iyo hawlaha ceelal qodidda iyo biyo-gelinta.
  • Samaynta istratejiyo looga gaashaanto jiilaalka iyo abaaraha soo noqnoqda oo kayd biyo iyo calafba loo dhigto.
  • Hubinta in ay helaan biyo joogto ah masaajiddada, iskuullada, cusbitaallada iyo meelaha kale ee dadka lagu daryeelo.
  • Curinta shuruucda lagu ilaalin doono degaanka iyo biyo-ururinta si qaab habsami ah loogu maamulo loona badbaadiyo deegaanka.

 

 

GURIYEYNTA

Jamhuuriyadda Somaliland caqabado waaweyn ayaa ka haysta dhinaca guriyeynta. Dadka oo isku dul-saaran guryo aan ku fillayn, tayada iyo tirada guryaha oo aad u hoosaysa, gaar ahaan miyiga iyo kuwa dan-yarta magaalada oo aan iyana waxba dhaamin iyo kirada magaalooyinka oo sii kacaysa. Sidaa darteed,

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Dejinta siyaasad tafatiran oo ka tarjumaysa daboolidda baahida hoyga dadka Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaaloba.
  • Asaasidda Wakaaladda Guriyeynta iyo Drayeelka Hantida Maguurtada Somaliland.
  • Hirgelinta dhismaha 1070 Guri oo dawladeed iyo 3000 kiro-iib la awoodo</u>, shan sannadood gudohood. Waxay kale oo ay dayac-tiraysaa guryaha hay’adaha kala duwan ee dawladdu leedahay.
  • Ka dhisi doontaa dhammaan lixda gobol ee waaweyn kiiba 30 Guri oo macalimiintu gasho, 30 Guri oo danyarta jilicsanani galaan iyo 30 guri oo shaqaalaha dawladdu galaan.
  • Caasimadda Hargeysa:  uga dhisi doontaa 30 Guri macalimiinta, 100 Guri danyarta jilicsan sida barakacayaashii abaartii xumayd; 200 gurina shaqaalaha dawladda.
  • U dhisaysaa Ciidamada: 200 Guri oo ay baahidooda gobollada u kala qaybin doonaan.
  • Hirgelin doontaa Mashruuca Guryo la Awoodo oo 3000 oo guri ku bilaabmaya oo ah kiro-iib, kaas oo ay iska kaashanayaan shirkadaha dhismaha gaarka ah, dawladaha Hoose ee Gobollada iyo degmooyinka iyo dawladda dhexe.
  • Kor-u-qaadista xirfadda dhismaha iyo tirada xirfadlaha guud ahaan dalka, iyada oo dugsiyada farsamada laga soo saarayo farsamo-yaqaanno dhisme,
  • Taageeridda iskaashatooyinka iyo ururro samafal guryo-dhiska, gaar ahaan kuwa guriyeynta danyarta u adeegaya.
  • Dhiirri-gelin doontaa ilo maal-gelineed oo xalaal ah, si muwaaddiniintu hoy dhismo ah u heli karaan, kuwa hadda jira iyo kuwa soo biirayaba.
  • Taageeraysa hay’ado tababara farsamo-yaqaanka dhismaha ee tuulooyinka iyo miyigaba; sida samaynta jaajuurka, dhoobada iyo cawska la isku daray iyo qoridda dhagaxa, si loo yareeyo goynta dhirta, loona dhiirri-geliyo agabka dhismaha ee dalkeenna laga heli karo.
  • Hubinta in aanay guryeyntu noqon mid degaanka dhib ku keenta.
  • Xoojinta aqoonta guryo-dhis qiimo jaban oo haddana raandhiis leh iyo ka faa’iidaysiga sancada guryo-dhiska qiimaha jaban ee hore u martay.
  • Dhiirri-gelinta maalgashiga soo-saaridda iyo adeegsiga khayraadka dhismaha ee dalka sida: sibidhka, marmarka, rijniga, lebenka, dhagaxa-qoran, iwm iyada oo la isticmaalayo warshado yaryar iyo qaar baaxad lehba.
  • Soo-saaridda xeerka ilaalinta hantida ma-guuraanka ah ee qaranka. Waxay dabo-gelaysaa tirada, tayada iyo hantida ma-guurtada ah ee wali ku danbaysa gobol iyo caasimadba. Waxa la sugi doonaa sharaciyadda hantida la wareejiyay.
  • Diyaarinta halbeegga tayada qalabka dhismaha dalka la keeno, iyo

 

  • hubinta heerka tayada iyo badbaadada dhismayaasha dalka laga dhiso.

 

HIRGELINTA NIDAAM GAADIIDOO TAYO LEH

  • Dib u dhiska iyo madax-bannaanaynta Wakaaladda waddooyinka (SRA) iyada oo lagu celinayo in ay ku shaqayso habka wadaagga ah dawladda iyo dadka.
  • Sugidda badbaadada dadka baabuurt raaca, iyada oo la xoojinyo aqoonta guud ee maamulka iyo kormeerka gaadiidka, tayeynta ciddanka booliska qaabbilsan iyo hubinta tayada iyo nabadgelyada baabuurta dadka qaadaysa.
  • Hubinta aqoonta dirawallada baabuurta wada iyadoo imtixaan la marinayo intaan liisanka la siin.
  • Daraasadda shilalka ay baabuurtu galaan iyo sida ay ugu kala badan yihiin nooyada dalka la keenaa, si loogu go’an qaato baabuurta halista ah ee caan ku noqda nabadgelyo darro.
  • U habaynta daryeelka waddooyinka si u siman gobolada loogana wada faa’iidaysto shaqadeeda.
  • Mudnaan-siinta dhammays tirka waddooyinka qabayada ah.
  • Ku bixinta qandaraasyada waddo-dhiska hab daahfuran oo ka nadiif ah musuqmaasuq iyo qaraabo-kiil.
  • Daah-furnaanta qaababka loo maamulo qaadhaanka waddooyinka ee dadka iyo dawladduba bixiyaan.
  • Dhiirri-gelinta gaadiidka badda oo isaga goosha xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

HORUMARINTA WADDOOYINKA:

  • Xukuumadda WADDANI waxay samayan doontaa qorshe qaran oo ay hirgelinayso oo ka tarjumaya mudnaanta, isku xidhnaanta, horumarka iyo shabakadda Waddooyinka ee dalka:
  • Dejinta Siyaasadda shabakadda waddooyina qaranka ee muhiimka u ah horumarka dalku hiigsanayo.
  • Qorshaynta iyo hirgelinta waddooyin isku xidha Badda (dekadaha) iyo dhulka wax-soo-saarka berriga, iyada oo wada gaadhsiinaysa gobollada dalka oo dhan.
  • Isku-xidhka waddooyinka halbowlaha ah ee Gobollada isaga tallaaba iyo kuwa goobaha wax-soo-saarka ka yimaadda.

 

  • Isku-xidhka Dekedaha iyo Goobaha Wax-soo-saarka:
  • Waddada Xeebta: Lawyacadow – Berbera – Laasqoray;
  • Seylac– Borame; Lughaye ; Borame;
  • Ceelsheekh– Hargeisa;
  • Maydh– Ceerigaabo – Laascaanood ; Burco
  • Laasqoray– Badhan – Ceerigaabo;
  • Berbera– Xagal – Ceel-afweyn; Berbera– Burco; Berbera – Cadaadley – Harasheekh; Berbera – Hargeysa – Tog-wajaale
  • Xiis-Godmo-Biyacas – Ceerigaabo;
  • Lughaye – Gabiley.

 

  • Isku-xidhka Suuqyada Gobollada iyo Goobaha Wax-soo-saarka
  • Awdal:Lughaye –Borame; Seylac – Cabdiqaadir – Boon; Baki-Borama;
  • Gabiley: Lughaye – Gabiley; Gebiiley ; Faraweyne
  • Maroodijeex: Hargeysa ; Balligubadle; Hargeysa – Ina Guuxaa; Hargeysa – Cadaadley – Gacanlibaax; Hargeysa – Ceel-Sheekh; Hargeysa – Alleybaday; Hargeysa   ; Sabawanaag
  • Saaxil: Bullaxaar – Dacarbudhuq; Darigodle – Laasadacawo – Huddise; Berbera- Xagal- Lasdhuurre; Berbera – Xiis –Laasqoray
  • Togdheer: Burco – qorilugud ; Buuhoodle; Burco-Ballidhiig; Burco-Duruqsi; Oodweyne – Khaatumo.
  • Sool: Laascaanood – Ceelafweyn; Lasanood – Xudun – Taleex; Oog – Gawsaweyne – Garadag, Laas-caanood – Buuhoodle; Laascaanood – Dharkayn Geeye
  • Sanaag: Xiis-Ceerigaabo; Ceerigaabo – Carmaale – Ceelbuh – Buraan; Ceerigaabo – Fiqifuliye – Xingalool- Dhahar; Laas-dhuurre – Ceelafweyn; Ceerigaabo – Midhisho; Laasqoray – Ceelaayo.

HORUMARINTA DEKEDAHA IYO MADAARRADA

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Maal-gelinta dhismaha dekedaha aan iminka dhisnayn laakiin muhiimka dhaqaale yeelanaya sida: Lughaya, Saylac, Xiis, Maydh, Bullaxaar, iyo Laasqoray; iyada oo lala kaashanayo maal-gashi caalami ah.
  • Madaarrada: 1. casriyeynta madaarrada leh darajada (A) sida: Hargeisa iyo Berbera 2. Dhisidda iyo tayeynta Madaarrad darajada (B): Borame, Burco, Laascaanoood, Ceerigaabo;
  • Shirkadaha Baadhaya shidaalka iyo macdanta waxay ka dhisi doonaan meelaha ay ka shaqeeyaan madaarro ah darajada (C).

 

 

QALABKA WADDA-DHISKA:

  • Xukuumadda WADDANI waxaa u qorsha ah in ay keento dalka qalabka waddooyinka lagu dhiso oo isugu jira qaybo culus iyo qaybo fudud. Waxaa ka mid noqonaya noocyada: Motor Graders, Wheel Loaders, Excavators, Bulldozers, Wheeled Backhoe Loaders, Vibro Rollers, Pneumatic tyers Rollers, Pedestrian Rollers, Plate Compactors, Tampers, Tipper, Dumb Trucks, Cargo Trucks, Water Bowsers, Low Bed Tractors, Self-loading Trucks, Mobile Workshops and Bitumen Distributor Tanks.
  • Gobol walba waxa loo qorsheeyey hurin ah Qalab-waddo (road unit) oo ka koban: Motor Grader, Wheel Loader, Tipper, iyo Water Bowser.
  • Qalabka culculus waxa leh Wasaaradda Gaadiidka iyada oo ay haynayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland (SRA). Waxaa laga kiraynayaa mashaariicda dawladda iyo kuwa shirkadaha Wadda-dhiska ee qandaraasyada qaata.
  • Hawsha Wadda-dhiska Xukuumadda WADDANI waxay inta badan raacaysaa habka qandaraasyada daaha furan, iyo iskaashiga dawladda iyo shirkadaha gaarka ah, halkii looga baahdo.

 

HORUMARINTA MAGAALOOYINKA

Xukuumadda WADDANI waxay ku Tallaabsanaysaa:

Horumarka Caasimadda Hargeysa:

  • Diyaarinta Naqshadda Guud ee Caasimadda (Masterplan) si loogu tala-galo baahideeda labada rubuc-qarni ee soo socda.
  • Dhisidda Jidka Wareega (Ring Road) oo Caasimadda duleedkeeda ku wareega, kaas oo waddaooyinku gudaha kaga soo xidhmaan, si loo yareeyo cidhiidhiga magaalada gudaheed, iyo in baabuurta xammuulka waaaweyn ee badanaa Dekedda Berbera ka yimaadda ama ku socda ay helaan meel nafis ah oo ay maraan.
  • Dib-u-hagaajinta jidadkeeda muhimadda u leh ganacsiga oo dhan si u dhiganta dhismaha caalamka caasimadahooda. Sannadka u horeeyaba waxay Xukuumadda WADDANI dhisi doontaa labada waddo ee halbowlaha u ah korriinka iyo nolosha magaalada (Madaarka – Daloodho; tan isku xidha Labada Kontrol ee Bari iyo Galbeed) oo ay heer caalami u dhisayso.
  • Dhisaysaa 3 jid oo cusub oo wax weyn ku soo kordhiya dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka caasimadda sida meelaha loogu talagalay warshadaynta, dalxiiska, iyo maal-gashiga-qurbe-joogga).
  • Laydh u samayn doontaa jidadka muhiimka u ah ganacsiga iyo kuwa ammaanka muwaaddininta lagu sugayo oo dhan, ugu yaraan 50% sannadka hore.
  • Waxay isu keenaysaa koox injineerro ah oo u soo dejisa qorshe biyo-shub (drainage system) oo la jaanqaada Qorshaha Guud ee Korriinka Caasimadda (Masterplan) isla markaan degdeg u joojiya ciidda qarisa waddooyinka magaalada dhexdeeda, marka roobku do’o.
  • Ilaalinta tayada adeegga gaadiidka dadweynaha iyo hubinta in ay gaadiid joogta ah helaan dadka deggan meel kasta oo magaalada ka mid ah.
  • Samayn doontaa dhul dan guud oo loogu tala-geleyo: 1. nasashada iyo nafiska dadka iyo carruurta; 2. addegga caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha iyo goobaha cibaadada.
  • Samayn doontaa carwooyin sannadle ah, kuwaas oo dhaqaalaha caasimadda iyo shaqo-abuurka dhallinyarada wax ka tara, una soo jiida in ay caasimadda yimaaddaan muwaadiniinta gobollada, qurbajoogta iyo dalxiisayaasha caalamkuba.
  • Ilaalinta iyo daryeelka meelaha taariikhda magaalada muhiimka u ah, sida: masaajiddada, guryaha dawladda ee taariikhda leh, iyo meelaha bannaan.

 

Horumarinta Magaalo-madaxyada Gobollada

  • Tallaabooyinka ay qaadi doonto Xukuumadda WADDANI iyada oo la shaqaynaysa Dawladaha Hoose:
  • Diyaarinta Qorshaha Guud ee Magaalo-madaxyada Gobollada
  • Dhismaha ugu yaraan 1 hal waddo oo laami ah oo tayo iyo tiirba leh magaalo walba oo ilaha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada magaaladaas door weyn ka qaadata: Borame, Gabiley, Berbera, Burco, Laas-caanood, iyo Ceerigaabo.
  • Laydh u samayn doontaa waddooyinka magaalada ee muhiimka ah iyo kuwa ammaanka muwaadiniinta kor loogu qaadayo.
  • Qorshayn doontaa dhulka danta guud ee nasashada, iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida: caafimaadka, waxbarashada, iyo dhiirri-gelinta dalxiisayaasha ka imanaya gudaha iyo dibeddaba, sida qurbajoogga.

 

GUNAANAD

Cadaaladda Bulshadaiyo Horumarinta Kaabayasha Dhaqaalahaiyo Bulshada

  • Xukuumadda WADDANI waxay gaadhsiin doontaa doorka haweenka ee siyaasadda meel sare iyada oo u qoondeynaya 30% Golayaasha Dawladda iyo Xisbigaba.
  • ILaalinta xuquuqda bulshada dulman, ka qayb-galka siyaasadda, hoggaanka dalka iyo gacan-qabashada xirfadaha iyo ilaha dhaqaale.
  • Xukuumadda WADDANI waxay qaranka uga faa’iideyn doontaa kartida dhallinyarada iyada oo la dagaallami doonta Tahriibta kana qayb-gelinaysa siyaasadda, una qoondaynaysa 40% shaqaalaha cusub ee dawladda iyo hay’adaha.
  • Horumarinta Kaabayaasha Bulsho iyo kuwa Dhaqaale sida:
  • Dawaldda WADDANI waxay Hubin doontaa in si buuxda oo joogto ah loo helo biyo; Waxay mudnaan siinayassa in ay Caasimadda Hargeysa dadkeeda si buuxda uga haqab tirto biyaha meel kasta oo ka degganyihiin, waxay u geynaysaa lixda Gobol ee waaweyn mid walba riigga biyaha oo qalabkiisa iyo miisaaniyaddiisa wata. Waxay xoogga saaraysaa qabashada biyaha roobka ee dooxyada mara. Waxay samaynayasaa qorshaha iyo u diyaar-garowga Jiilaalka iyo abaaraha oo ah kayd biyood, cunto, calaf, hoyga barakaca iyo daryeelka dadka caydhooba.
  • Waxay Dawaldda WADDANI bilaabi doontaa qorshayaal guriyeyn ah oo 1070 guri ay dawladdu dhisayso, 3000 oo ah guryo iib-kiro la awoodo, iyo dayac-tirka kuwa hay’adaha dawliga ahi leeyihiin. Waxa mudnaanta leh: shaqaalaha dawldda, macallimiinta, ciidamada iyo danyarta jilicsan.
  • Horumarinta adeegga gaadiidka iyo abuuridda Siyaasadda Isku-xidhka Waddooyinka Qaranka oo noqon doonta mashaariic waddooyin oo socda, hagaajinta waddooyinka waaweyn ee isku xidha gobollada iyo in la taageero mashaariicda bulshada ee lagu dhisayo waddooyinka.
  • Deegaan dhawrsoon: daryeelka dhirta, daaqa, iyo xayawaanka. Soo noolaynyta qaybaha nabaad-guuraya ama dabar-go’ya ee deegaanka; la dagaallanka sumaynta iyo wasakhowga deegaanka berri iyo badba. Waxa la maarayn doonaa qashinka magaalooyinka iyada oo la adeegsan doono Xeerka Maamulka Qashinka iyo habka casriga ee loo gubo.
(Visited 295 times, 1 visits today)