Sooyaal


Sooyaal Nololeed:

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) waxaa uu dhashay 29kii Abriil 1955, kuna dhashay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. Cabdiraxmaan Aabihii, Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro-weyne), waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadgelyada ee Maxmiyaddii Ingiriiska iyo Booliskii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed 1960kii kadib.
Cabdiraxmaan Aabihii oo Askari ahaa darteed, waxay qoys ahaan u wareegeen Magaalada Berbera. Halkaas ayuu Cabdiraxmaan ka bilaabay Waxbarashadiisii Quraanka iyo dugsiga Hoose.

Waxbarasho:

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu qaatay waxbarasho ka kooban heerar kala duwan sida Waxbarashada Quraanka, Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare. Waxaa kale oouu qaatay Shahaadooyin Jaamacadeed oo kala hal Shahaado oo ee Heerka 1aad (BBA) ah, sadex Shahaado oo Heerka 2aad ah (MBA + 2 Post Graduate Diplomas). Waxaa kale oo uu qaatay Shahaado Sharafeed heerka 3aad, ee ugu sareeya Waxbarashada ee “PHD”

Waa tan Waayihiisii Waxbarasho oo kooban
1962-1965 Waxbarashada Quraanka Kariimka ah Berbera, Somaliland
1965-1969 Dugsiga Hoose Berbera, Somaliland
1969-1973 Dugsiga Dhexe Sheekh, Somliland
1973-1977 Dugsiga Sare Sheekh, Somliland
1980-1983 BBA, SIDAM Muqdisho, Somali Dim. Republic
1983-1985 MBA, California State University Muqdisho, Somali Dim. Republic
1986 Project Magement & Analysis, Institute of National Planning Cairo, Egypt
1989 Post Graduate Diploma, African Studies & Development Moscow, USSR (Russia)
2008-2010 Post Graduate Diploma, Conflict Resolution, University of Hargeisa, Hargeysa, Somaliland
2016 Hon. PHD, New Generation University Addis Ababa, Ethiopia

Guddoonsiintii Shahaado Sharafta PHD Musharax Cabdiraxmaan Cirro ee Jaamacadda New Generation, Ethiopia.

 

Sooyaal Siyaasadeed:

Shaqaalenimo Dawladeed iyo Safiirnimo

Kadib Waxbarashadiisii Dugsiga Sare, Cabdiraxmaan waxa uu Shaqo Qaran oo ah Macalinimo mutadawacnimo ah ka bilaabay Dugsiga Magaalada Oodweyne muddo labo sano ah.

Kadib Qalin-jabintiisii heerka 2aad ee Jaamacadeed, Cabdiraxmaan Waxa uu shaqadiisii ugu horeysay ka bilaabay Haayadii Dawladeed ee iskaashatooyinka, isaga oo noqday Hanti-dhawre (Auditor).

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka mid noqday shaqaalahaa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, isaga oo xilal kala duwan kasoo qabtay. Xilalkaas waxaa ka mid ah;

  • Agaasime Waaxeed
  • Masuulka Arimaha Dhaqaalaha & Siyaasadda ee Safaaradii Moosko
  • Safiir ku xigeen
  • Ku-sime Safiir

Cabdiraxmaan Cirro intuu ka tirsanaa Safaaradda magaalada Moosko waxa uu qayb-qaatay samata-bixinta Shacabkii  Somaliland ee Qaxoontiga ahaa, isaga oo tobanaan kun u sahlay in ay gaadhaan Wadamada Yurub.

Somaliland:

Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee hindisa hanaanka Xisbiyada badan ee somaliland. Cabdiraxmaan Cirro iyo Saaxiibkii Faysal Cali Waraabe waxay qorsheeyeen aasaaska Xisbiga Ucid, dabayaaqadii Sagaashanaadkii. Fikradii Xisbinimo waxay hir-gashay 2001, in UCID noqdo Urur Siyaasadeedkii 2aad ee laga aasaasay Somaliland.

Cabdiraxmaan xilalka oo Xisbiga UCID kasoo qabtay waxaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu u tartamay Xildhibaanimo Doorashadii Golaha Wakiilada ee ugu horeysay, 2005, isagoo laga soo doortay Gobolka Saaxil, noqdayna Mudanihii ugu Codka badna. Waxaana loo doortay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada.

Cabdiraxmaan Cirro waa Gudoomiyaha ugu mudada dheer Golaha Wakiilada. Mudadaas Waxa uu dib-u-habayn ballaadhan ku sameeyay Golaha Wakiilada, maamul ahaan iyo Wax-qabad ahaanba. Waxa uu waqtigaas Goluhu Curiyay xeerarka ugu badan ee Somaliland ku shaqayso. Golaha Wakiiladu wuxuu noqday Gole la xisaabtama Xukuumadda iyadoo lagu xusuusto Waqtigii Xukuumadihii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Inkastoo Cabdiraxmaan Cirro ka tirsanaa Xisbiga 3aad xaga Tirada Xubnaha uu ku leeyahay Golaha Wakiilada, waxa marar suuroobi weyday in Xilka Gudoomiyenimo laga qaado.

(Visited 650 times, 1 visits today)