Xisbiga WADDANI

 

Hordhac

Xisbiga Waddani waa Xisbi Qaran oo ka mid ah sadexda Xisbi-Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa la aasaasay 6dii Octoober 2011, isaga oo ka mid noqday Ururadii/Xisbiyadii u tartamay doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012 ee ay sadex urur/xisbi ugu soo gudbayeen Xisbinimo Qaran.  Waddani waxaa aasaasay Aqoonyahan iyo Siyaasiyiin sharaf ku leh gayiga Somaliland oo uu hormood u ahaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ahaa Gudoomiyihii ugu waqtiga dheera Gudoomiyinimada Golaha Wakiilada ee la doortay.

Doorashadii Golaha Deegaanka 2012

Ururkii Waddani waxaa uu ku guulaystay in uu ka mid noqdo sadexda Xisbi-Qaran ee Somaliland. Wuxuu helay Codad ka badan 185000 oo cod, isaga oo galay kaalinta 2aad. Wuxuu noqday Ururka/Xisbiga kaliya ee Kuraas ka helay dhamaan degmooyinka dalka.

Xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani waa Xisbiga ugu Taageerada badan xisbiyada Somaliland ee ku tartamaya doorashada Madaxtinimada ee Noofembar 2017. Waa Xisbi ay ka goantahay in ka dhabeeyo himilooyinka Shacabka Somaliland. Sida helitaanka horumar dhaqaale, cadaalad-bulsheed, iyo ictiraaf caalami ah.

Xisbiga Waddani waxaau hogaan ah Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan sumcad wacan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, diyaar na u ah badbaadinta Somaliland.

Madaxda Xisbiga Waddani 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” (Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani)

Waa Aqoonyahan, Diblomaasi & Ruug-caddaa Siyaasi ah iyo Gudoomiyihii hore Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Maxamed Cali Cabdi (Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Waddani)

Waa Aqoonyahan iyo Diblomaasi sare, kana mid ahaa aasaasayaashii Waddani.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde (Gudoomiyaha ku-meelgaadhka ee Xisbiga Waddani)

Waa Aqoonyahan, Ruug-cadaa Siyaasi ah, Xildhibaan Golaha Wakiilada ah & Gudoomiye-ku-xigeenkii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland. Wuxuu qayb weyn kasoo qaatay dib-u-dhiskii Dawladnimada Somaliland iyo samayntii shuruucda dalka.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan (Hogaamiyaha Xisbiga Waddani)

Waa Aqoonyahan iyo Ruug-cadaa Siyaasi ah. Waa haldoor dhalinyaro ah kana mid ah Siyaasiyiinta ugu saamaynta Somaliland. Waxa uu horseed ka ahaa hindiskii iyo fulintii siyaasaddii maamul iyo horumarineed ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo (2010-2015).

 

Maxamed Cabdillaahi Uurcadee (Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani)

Waa Aqoonyahan & Ruug-caddaa Siyaasi ah, iyo Ku-geenkii hore ee Duqa Caasimadaa Hargeisa. Wuxuu ka mid yahay aasaasayaasha Xisbiga Waddani.

 

Ibraahim Mahdi Buubaa (Af-Hayeenka Xisbiga Waddani)

Waa Afhayeenka Xisbiga waddani , Waa Aqoonyahan & Ruug-caddaa Siyaasi ah, iyo Xildhibaan Baarlamaanka JSL kana mida Xisbiga Waddani . Wuxuu ka mid yahay aasaasayaasha Xisbiga Waddani.

 

 

(Visited 606 times, 1 visits today)